Saturday, January 6, 2024

DAMACA XABASHIDA IYO DUULANKA MAANTA!

Ethiopia way ogtahay in Soomaalida aysan ahayn qowmiyad nugul oo si bareer ah loogu dhiiran karo, wayna fahamsantahay in Soomaalidu aysan ka liidan Eriterian kii ka goostay kuna mintiday bilowgii sagaashameeyadii baddii ay ku tiirsanaayeen in ka badan 120 Milloion oo Ethiopian ahaa.

Sidaas oo ay tahay, haddana Ethiopia kuma jirto cabsi ay haatan ka qabto qowmiyad u qeybsan reero iyo qabiilo uu xifaaltankooda siyaasadeed gaarsiisanyahay in dhulkooda iyo badahooda si xin dhexdooda ah ugu hibeeyaan cadowga qarniyo-jirka ah.

Markasta waxaa Itoobiyaanka qasbaya daruufta dhabta ah ee ay ku noolyihiin, taas oo ah inay yihiin qowmiyadoo tiro badan oo dal ahaan go'doonsan, ama aan lahayn marin biyood ay wax ka dhoofiyaan ama kala soo degaan.

Waxa ku dhiiro gelinaya hamigooda boobka dhul xeebeedka Soomaalida ayaa ah in aysan arkin wax ka hor taagan xeebta ugu dheer Afrika oo uu kaga gudbanyahay dal aan dowladnimo buuxda yeelan muddo ka badan rubuc qarni, haddana ku noolyihiin dad aan u diyaarsanayn dowladnimo iyo kala danbeyn, taas badelkeeda ku howlan qabyaalad iyo xin siyaasadeed dhexdooda ah.

Haddaba, Itoobiya ayaa u aragta fursad inay dunida ka iibiso in Soomaalidu tahay dad reer miyi ah oo marwalba ku jira colaad iyo is nacayb yaala dhexdooda, haddana dhulka istaraatiijiga ah ay ku noolyihiin iyo kheyraadka dhex ceegaaga dhulkooda aanay marna maamuli karin, sidaa darteed Itoobiya la siiyo doorkii maamul ama dowli ee dhulka Soomaalida, si caalamku micno ugu sameeyaan xeebaha cidlada ah ee ku yaala geeska Afrika.

Haddda, dowladaha iyo ururada caalamiga ah ee ka hor yimid rabitaanka Ethiopia, midkoodna jaceyl iyo abaal gooni ah uma hayo Soomaaliya, ee waxa ay diidmadoodu jiraysaa inta ay danahooda Ethiopia ka dhex tusi doonto rabitaankeeda ah boobka dhulka Soomaalida.

Marka ma'ahan wax weyn oo ay Soomaaliya isku haleyn karto arinkaas, waxa kali ah jiritaanka dalka Soomaaliya iyo ilaalintiisa hubin kara waa in la helo midnimo Soomaaliyeed iyo nidaam awoodleh oo dowladeed kaasoo meesha ka saara shaqsiyaadka iyo kooxaha u adeegaya fikirka iyo danaha dowladaha jaarka ah, gaar ahaan Itoobiya oo hadda cadeysatay inay Soomaaliya ku tahay duulaan.

25 sano ayay ciidamo badeed oo ku dhow boqolaal kun ay sii diyaarinaysay Itoobiya, haddana waxay bilowday heshiisyo tijaabo ah si ay ugu gogol xaarto duulaankeeda qaawan ee horseedaya colaad aad u saameyn badan oo ka dilaacda Geeska Afrika.

Ma jiro wax la yiraahdo qabiil difaaci kara dhul ama bad Soomaaliyeed, laakiin waxa Kali ah la isku difaaci karo ayaa ah 'SOOMAALINIMO' IYO 'DOWLADNIMO'.

W/Q:Mahir Jama Adam

DAMACA XABASHIDA IYO DUULANKA MAANTA!

Ethiopia way ogtahay in Soomaalida aysan ahayn qowmiyad nugul oo si bareer ah loogu dhiiran karo, wayna fahamsantahay in Soomaalidu aysan ka...