Friday, April 22, 2022

HADAL MACNO WAYN LEH


 Arigu noloshisa waxa la qeybsada cabsi uu ka qabo yeyda (Dugaaga) balse ugu danbeyn waxa cuna qowsaarka (qofka leh).

Hadaba ka digtonow qofkad kalsonida sinaysid adoo umaleya saxib balse cadawgada ah.

Thursday, April 21, 2022

WAXAN RABA İNA JİNSİGEYGİ DİB USO CESHTO!.


 Nuucyada jinsiga bani-adamka allah abuuray waxay ka kooban yihiin Rag,Dumar,Labeeb rag,Labeeb dumar iyo Labeeb wadajira ,sida badan xaaladaha labebka la arko ma badna. Marki aan leenahay labeeb ragg waxan kala jeedna labeeb wada kulansaday astamihi raga iyo kuwi dumarka balse ay xooganyihiin kuwa ragga dhanka kalana labeebka dumar waxa xoogan astamaha dumarnimo hayeshe waxa kalo naadir ah mid astamihi ragga iyo kuwa dumarkaba siman yihiin walow casrigan danbe ay fududahay in lacadeyo halka uu ubadanyahay.

Markan ka eegno xaga diinta islamka waxa ay qabta in labeebka loo badiyo halka uu ubadanyahy qaabkana loo daaweyo (hormonotherapy).

Casrigan oo saynisku iyo tiknolojiadu horumarty waxa so batay dad badan oo badalay jinsidooga ayagoo qaliimo iyo hormoonaba isticmalay.

İnkastoo dadkas intooda badan aysan u badnen dad muslimin ah hadana wayadi danbe ayey so bateen kuwa muslim sheganaya falalka caynkas ahna ku kacaya waxa sii dheer in qaar kamidaba ay soomaali yihiin.

Kumaysan ekaanin inay badalen abuurki alle balse waxay bulshada laso dhex istaagen dhaqan xumadi ado ku arkaya baraha bulashada ayago dhextagan.

Waxa jira warbixino badan oo laga diyaariyey dadka sida u dhaqma iyado waraysiyo lala yeeshay kuwa badano kamida waxayna dhamantod ay ka sinaayen ka shallaynta waxa ay sameyen qaarkoodna wayba isdileen.

Waxa ugu danbeyey Documentary cajiib ah oo ay diyaarisay Russia Today lana dhaho: I Want My Sex Back ayaa wuxuu xaal wareysi la sameynayaa Billy Burleigh oo jinsigiisa bedelay, dumar iska dhigay, haddana nin-nimadiisa soo ceshtay walow uusan eheyn mid dhameystiran oo inuu ilmo dhalana uusan sugeyn! 

Rene Jax oo ah qoraa caan ah, qortayna siddeed buug oo saddex ka mid ah ay kaga hadashay Transexuality, (Jinsiga oo la bedesho) waxay qalliinka ay dumarka isaga dhigtay isku sameysay iyadoo 31 sano jir ah, soddonki sano ee la soo dhaafay waxay ahayd dumar, walow ay sheegtay iney go'aankaas aad uga shalleysay haddana xal uma arag iney sideedi hore ku laabato! 

Walt Heyer oo isna qaliin isku sameeyay, dumar noqday, balse inta uu noloshaas adag ku noolaan waayay go'aansaday inuu nin-nimadiisa soo ceshto! 

Dhamaantood waxay isku raaceen inuu qaliinka jinsiga lagu bedelayo uu yahay xanuun maskaxeed, khiyaali iyo nolol aan farxad lagu heleyn, sida uu documentary-gu sheegayo dadka Jinsigooda bedelo 40% (afartan boqolkiiba) wey is dilaan! Billy Burleigh iyo Rene Jax  labadaba waxay sheegeen iney isku dayeen iney is dilaan!! 

Dhibaatooyin aan la soo koobi karin, sir qarsoon iyo cariiriga nololeed ee ay galeen ayey ka sheekeynayaan.

Follow dheh bartan adoo ka egaya xaga kore Sido kale share dheh.

Mahadsanid

Wednesday, April 20, 2022

SOO HALEEL SAFARKA!!


 Kuma nihin deegan rasmi ah ifkan (dhulka) degaankeena asalka oo aan kaso jeedno aabahen Aadamna uu bilawgi hore dagana wa jannada balse dhulkan waxa aan jogayna waqti kooban oo aan imtixan gaaban ku marayno si dagdag ahna waynu ulaban.

Ku dadaal intii awoodada oo dhan ah haleelida geediga hagaagsanayaalka hana ku dhumin waqtigaga dhulkan oo inta aan joognaba ay yartahay.

Monday, April 18, 2022

SİDEEN KU HELNAA HOGAMİYAAL SAX AH?!!


Haddii aynu doonayno in aynu dunida horumartay la jaanqaadno waa in dedaalka aynu kabilawnaa guryaheena, gaar ahaan horumarinta garaadka, akhlaaqda iyo waxbarashada ubadka. Tusaale ahaan, dal kasta waxbarashadiisa waxa u qaabeeya in ay soo saari karto da’yarta ay doonayaan mustaqbalka in ay dalka u hoggaamiso, sababtoo ah dal kasta wuxuu u baahan yahay muwaadiniin si fiican wax u bartay oo dan ka leh ummadda oo akhlaaqiyan dhisan.

Waxa kale oo loo baahan yahay in laga fikiro macallimiinta aqoonta baraysa ubadka, lana is waydiiyo mayihiin kuwo u qalabaysan in ay soo saraan ubadka dalku u baahan yahay.

Waxbarashadu ahmiyad ma yeelato haddii aanay ku lammaanayn hal-abuurnimo iyo xirfad nololeed, sababtoo ah hal-abuurnimada (Creativity) waxay dhaxalsiisaa dadka horumar iyo guullo nololeed.

Bulsho kastana waxay noloshan casriga ah horumar ka gaadha sida ay ubadkeeda garaadka uga dhisto, uguna dhiirigeliso in ay hal-abuurnimo la yimadaan oo aanay ku koobnaan waxyaabaha buugga ku qoran.

Da’yarta aynu rabnaa, waa ubad garaadkooda la kobciyey oon calooshooda la kobcin, maxsuulka inoo soo baxaya wuxuu noqonaya hoggaamiyayaal mustaqbalka wax ina tara.

Waxa aynu ka badbaadaynaa in ay inoo kobcaan dhallinyaro ka kortay caloosha oo mustaqbalka noqda kuwo caloosha uun buuxsada, haddii ay fursad u helaan in ayhoggaanka amma talada dalka qabsadaan amma noqdaan gancasatada dhaqaalaha dalka majaraha u haya.

DAMACA XABASHIDA IYO DUULANKA MAANTA!

Ethiopia way ogtahay in Soomaalida aysan ahayn qowmiyad nugul oo si bareer ah loogu dhiiran karo, wayna fahamsantahay in Soomaalidu aysan ka...