Haddii aynu doonayno in aynu dunida horumartay la jaanqaadno waa in dedaalka aynu kabilawnaa guryaheena, gaar ahaan horumarinta garaadka, akhlaaqda iyo waxbarashada ubadka. Tusaale ahaan, dal kasta waxbarashadiisa waxa u qaabeeya in ay soo saari karto da’yarta ay doonayaan mustaqbalka in ay dalka u hoggaamiso, sababtoo ah dal kasta wuxuu u baahan yahay muwaadiniin si fiican wax u bartay oo dan ka leh ummadda oo akhlaaqiyan dhisan.
Waxa kale oo loo baahan yahay in laga fikiro macallimiinta aqoonta baraysa ubadka, lana is waydiiyo mayihiin kuwo u qalabaysan in ay soo saraan ubadka dalku u baahan yahay.
Waxbarashadu ahmiyad ma yeelato haddii aanay ku lammaanayn hal-abuurnimo iyo xirfad nololeed, sababtoo ah hal-abuurnimada (Creativity) waxay dhaxalsiisaa dadka horumar iyo guullo nololeed.
Bulsho kastana waxay noloshan casriga ah horumar ka gaadha sida ay ubadkeeda garaadka uga dhisto, uguna dhiirigeliso in ay hal-abuurnimo la yimadaan oo aanay ku koobnaan waxyaabaha buugga ku qoran.
Da’yarta aynu rabnaa, waa ubad garaadkooda la kobciyey oon calooshooda la kobcin, maxsuulka inoo soo baxaya wuxuu noqonaya hoggaamiyayaal mustaqbalka wax ina tara.
Waxa aynu ka badbaadaynaa in ay inoo kobcaan dhallinyaro ka kortay caloosha oo mustaqbalka noqda kuwo caloosha uun buuxsada, haddii ay fursad u helaan in ayhoggaanka amma talada dalka qabsadaan amma noqdaan gancasatada dhaqaalaha dalka majaraha u haya.

2 comments:
Wa talo wanaagsan balse fulin u baahan.
Wa sida sheegtay
Post a Comment